U bood dhigaalka

Kooxda Dowladda Hoose Ee Muqdisho City Club Oo Xooga Saaraysa Dhisidda Ciyaaryahano Da’yar Ah

Sheeko:Cayaaraha

Maamulka kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club oo ka shaanaya waxyaaalaha kala duwan ee naadiga ayaa sanadkii labaad hindisay mashruuca dhisida da’yarta kubbadda cagta kuwaas oo loo diyaarinayo ka mid noqashada horomarka kooxda iyo sidoo kale in ay ka faa’deestaan naadiyada ka dhisan dalka.


Xoghayaha naadiga dowladda hoose xamar Maxamed Cumar Xaashi Muhaa ayaa sharxaad ka bixinaya wax maamulka kooxda ku dhaliyay in ay bilaawaa barnaamijka iyo faa’ida ugu jirta Muqdisho City Club.


Maxamed Jeylaani Ajeelow waxa uu ka mid ahaa laacibiintii u soo ciyaartay kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club iminka waxa uu ka mid yahay macalimiinta naadiga waxa aad bogaadiyay barnaamijka dhisidda da’yarta,isagoo sheegay waqtigooda in aysan jirin fursadaha nuucaan oo kale.isagoo dhalinyarada fursadaha helay kula dardaarmay in ay si wanaagsan ugu faa’ideestaan waqtigooda iyo waxa la barayo.


Ciise Cabdiqaadir Ibaarihim oo ah kabtanka Muqdisho City Club kuna hadalay magaca ciyaaryahanada kooxda ayaa dhalinta kusoo biirtay mashuuracan u jeediyay hadalo bogaadin ah wuxuuna kula dardaarmay in si wanaagsan ugu faa’ideestaan casharada ay siinayaan macalimiintooda si ay noqdaan jiilka badili lahaa iyaga.

Gudoomiyaha tageerayasha naadiga Muqdisho City Club Axmed Salaad Dhiblaawe ayaa u mahad celiyay maamulka kooxdiisa fikraha wanaagsan ay markasta soo bandhigaan ka taageero ahaan ay diyaar u yihiin doorkooda ka qeyb qaadashada horomainta dhisidda da’yartan.


Maxamed Axmed Iimaan oo ka mid ah dhallinyarada ka faa’ideesanaya diyaarinta da’yarta M.C.ayaa sheegay in ay kag’antahay in heer wacan ka gaaro kubbadda cagta kuna haminayo in tariikho ka sameeyo ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika.


Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar) oo ah la taliyaha maamulka ciyaaraha Gobolka Banaadir kana mid ah mas’uuliyeenta kooxda Muqdisho City Club ayaa sheegay tan iyo marikii ay bilaawayeen fikradan ay kasoo baxeen tiro badan oo ciyaartooy ah kuwaas oo iminka qeyb ka ah naadiga dowladda hoose iminka ay rajaynayaan in ay ka helaan kuwo kale oo badan.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Dhisidda Da’yarta Muqdisho City Club

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/638384140003090/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle