U bood dhigaalka

Kooxda Elman Oo Heeshiis La Gaartay Moshan Apparel

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda Kubbadda Cagta Elman Sports Club ayaa heshiis labo sano ah la gaartay shirkadda qalabka Sports-ka Moshan Apparel ee laga lee yahay Dalka Maraykanka,waxaana howshan ay qeyb ka tahay horomarka iyo da’daalka ay wadaan madaxda naadiga Elman.

Guddoomiye Ku Xigeenka Kooxda Elman Cali Axmed Maxamuud (Sayid Cali Kuukaay) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin heshiiska ay maanta la gaareyn shirkadda qalabka isboortiga Moshan Apparel ee fadhigeeda yahay Wadanka Maraykanka.

“Kooxda Elman waxa ay ka mid ah tahay naadiyada ugu waaweyn dalkeena iyo Qaarada Africa,waana koox laga aqoonsanyahay caalamka aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta wada bilaawno wada shaqeyn,waxaana rajaynaa in dharkeena ay aad ugu helidoonaan qoyska Elman” ayuu saxaafada u sheeggay Maxamuud Geeseey oo wakiil ka ahaa Shirkadda Moshan Apparel.

Si kastaba Shirkadda Moshan Apparel oo ah shirkad ay lee yihiin ganacsato Soomaaliyeed iyo kooxxda Elman ayaa noqonaya mid bilaaw u ah dhiiri-gelinta iyo kor u qaadida kubbadda cagta Soomaaliya,waxaana arinta taageerayaasha ay kaga mahad celiyeen maamulkooda.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle