U bood dhigaalka

Kooxda Galmudug Oo Lagu Wareejiyay Qalab Isboorti

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha Ururka Galmudug ee Wadanka Finland Cabdullahi Cadeed Rooble ayaa qalab isboortis oo dhameystiran ku wareejiyay kooxda kubbadda Cagta Galmudug ee ka qeyb galaysa tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Munaasabada qalab wareejinta kooxda Galmudug waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro,Xildhibaan iyo Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug,iyagoona si wadajir ugu mahad celiyay mudane Cabdullahi Rooble oo qalab dhameystiran ugu deeqay ciyaaryahanda Galmudug.

“Mahadsanid Mudane Cabdullahi,waxaan rajaynayaa in qalabkan ay wax badan ka tartidoonto baahideena ee xaga isboortiga,aniga oo ku hadlaya magaca Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug waxaana ku lee nahay Mahadsanid 100” ayuu saxafada u sheegay Xasan Axmed Shire oo guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug.

Qalabkan oo ka kooban nuucyada kala duwan ee ciyaaraha ayaa ku soo aaday,xili laacibiinta iyo macallimiinta Galmudug ay isku diyaarinayaan tartanka kubbadda Cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020 oo ku qabsoomaya Muqdisho.

“Galmudug waxa ay idinka sugaysaa guul iyo in aad ku guulaystaan tartanka Maamul Goboleedyada 2020,runtii hadii aanu nahay Mas’uuliyeenta Galmudug waxaan u mahad celinaynaa mudane Cabdullahi Rooble oo qalab tayaysan ku wareejiyay kooxdeena,waa kaalin muhiim ah oo looga baahan yahay dadka soo jeeda Galmudug” ayuu warbaahinta u sheegay Axmed Macallin Fiqi oo ah Wasiir Amniga Galmudug.

Ciyaaryooyda Iyo tababrayaasha Galmudug ayaa iyagana u mahad celiyay mudane Cabdullahi iyo saaxiibada kale ee ka shaqeeyay howshan wanaagsan,iyagoo sheegay in ay u baahanyihiin kaalinta ganacstada iyo madaxda reer Galmudug.

“Waxaan hubaa hadii ganacstada,siyaasiinta iyo qurbajoogta ay maalgeliyaan isboortiga Galmudug in aan gaarayno kaalmaha hore ciyaaraha laga qabto dalka” ayuu garoonka Dhuusamareeb ka sheegay Mudane Xuseen Cabdulle Xasan oo ahWasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Galmudug.

Ugu dambeyntii mudane Cabdullahi Cadeed Rooble ayaa u balan qaaday kooxda Galmudug hadii ay ku guulaystan tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir in uu siindoono u abaalmarino qaali ah.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle