U bood dhigaalka

Kooxda Heegan Oo Soo Bandhigtay Xidig Muhiim Ah

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda Heegan Sports Club ee ciidanka booliska ayaa bogeeda bulshada ku shaacisay in ay soo qaateen goolhayaha kooxda degmada Waaberi sanadkan u sahlay in ay usoo gudbaan fiinalaha tartanka kubbadda cagta degmmoyinka 2019 kaas oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Daahir Abwaanka wuxuuna xidigan diirada u saarnaa kooxaha waaweyn ee kubbadda cagta,ka dib wacdarahii uu kusoo bandhigay olalahan.

Guddoomiyaha naadiga Heegan Cabdiraxmaan Mursal ayaa kooxdiisa kusoo dhaweeyay laacibkan,isagoo sheegay in ka maamul ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin soo qaadashada xidigan oo muhiim u ahaa iyaga.


“Waxaa kooxda arimo shaqsi ah ugu tagay goolhaye Mustaf Nakuuja oo door wanaagsan kulahaa kooxdeena,talaabadan waxa ay taageerayaasheena u arkaan mid wax badan ka dabooli karta kaalintii uu baneeyay laacib Mustafa” ayuu Goobjoog ugu waramay guddoomiye Cabdiraxmaan Mursal

Goolhayahii hore kooxda Heegan Sports Club Mustaf Maxamed Yuusuf (Mustaf Nkuuja) oo arimo shaqo kooxdiisa kaga tagay bilo ka hor ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay howshan uu kaga mahadcelinyo maamulka,ciyaartooyda iyo taageerayaasha naadigiisa.


“Goolhaye Cabdiraxmaan waa qof dhallinyaro ah oo hami wanaagsan ka leh in meel sare ka gaaro xirfadan waxaan u rajaynaa in uu guulo waaweyn la gaaro kooxdiisa cusub,balse waa shaqo adag oo u baahan da’daal iyo dhabar adaag” ayuu Goobjoog ugu waramay goolayhii hore kooxda Heegan Mustafa Nakuuja.

“Ku biiritaanka kooxda Heegan Waxaan u arkaa in ay tahay mid aad u wanaagsan waxaa la iga sugayaa waa waxa xigadoono in bandhigayga,balse waxaa xooga saarayaa in aan horomaiyo kooxdayda iyo xirfadayda iyo in aan kula guulaysto koobaba badan ayuu goolhaye Cabdiraxmaan Daahir u sheegay Goobjoog.