U bood dhigaalka

Kooxda Horseed Oo La Balansan Al Rifaa  Sports Club

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda Horseed ee ciidanka xogga dalka ayaa ciyaaraysa kulankii labaad ee tartanka Mohamed VI Champions 2019,iyadoo la balansan kooxda reer Baxreen ee Al-Riffa Sports Club.

18 Bishan ayuu tartanka ka furmay magaalada Casabalnca  ee wadanka Morocco,iyadoo ciyaarta furitaanka ay wada dheeleen Horseed oo ka socota Soomaaliya iyo naadiga Al-Zawra’a ee ka dhisan wadanka Ciraaq.


Kulankaas qeybta 1-aad naadiga ciidanka xooga dalka ee Horseed ayaa samaysay fursado badan oo goolal waxaana dheesha qeybta kowaad lagu kala maray barbaro goolal la’aan,balse markii leysu soo laabtay ciyaarta waxaa Horseed laga dhaliyay 2-gool oo ay guusha ku qaateen xidigaha kooxda Al-Zawra’a ee dalka Ciraaq.

Horseed Sports Club waxa ay ka mid aheyd kooxaha ugu waaweyn qaarada Afrika 30-sano ka hor,balse iminka waxaan dib ugu soo laabnay kaalimihii nagula yaqiinay wax walbo waa bilaaw waxaan ku da’daalaynaa in diyaar garow wanaagsan u galno sanadaha inagu soo wajahan,si shacabka Soomaaliyeed aan ugu soo hooyo sharaf iyo guulo waaweyn ” waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Guddoomiyaha kooxda kubbadda cagta Horseed ee ciidanka xoogga dalka DR.Maxamed Axmed Maxamed.

Labada macallin iyo ciyaaryahanada labada dhinac ayaa saxaafada la hadlay,iyagoo ka warbixiyay xaaladaha kooxahooda waxayna sida wadajir u sheegeen in ay diyaar u yihiin ciyaartan xiisaha badan oo ay markii ugu horeesay isku arkayaan tartanka Mohamed VI Champions 2019,inkastoo  kooxda Horseed uu kulankan caalamada casaanka kaga maqanyahay Cali Cadde oo ka dheela qeybta daafaca danbe.


“Horseed ma qabto wax dhibaato dhamaan ciyaarahanada waa diyaar waxaa koox ahaan naga go’an in aan samayno bandhig sare,inkastoo natiijada ay ka imaanayso xaga Alle,balse waxaa diirada saaraynaa in aan badino kulankan” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay layliyaha  Kooxda Horseed Cabdi Joon.


Ogeysiiska Kulanka
Tartanka-Mohamed VI Champions
Kooxaha-Horseed VS Al-Riffa Sports Club
Tariikhda-21-08-2019
Maalinta-Arbaco
Cimiladda 26° / 20°
Saacada Kulanka-8:00pm

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle