U bood dhigaalka

Horseed Oo Madaxa Suuq Gaynta & Warbaahinta U Magacaawaday Ciyaaryahan Hore Kubbadda Cagta

Sheeko:Cayaaraha

Qoraal Ka soo baxay Maamulka Kooxda Kubbadda Cagta Horseed ayaa lagu shaaciyay in mudane Cabdi Nuur Maxamed Nuur loo magacaabay xilka Madaxa Warbaahinta iyo Suuqgaynta Naadiga Horseed,waxaana qoraalka la sii raaciyay in Cabdi Nuur laga sugayo in uu is badal iyo dib habeyn dhinaca warbaahinta ku sameeyo kooxda Horseed.

“Waan U Rajaynaa Mudane Cabdi Nuur guul iyo horomar,waa ciyaaryahan hore saaxiib badana ku leh kubbadda cagta dalka,waxaan ka sugaynaa in uu la yimaado waxqabd wanaagsan oo guul u ah naadiga Horseed Sports Club” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha Naadiga Horseed Mudane DR.Mxamed Axmed Maxamed.

Macallimiinta,Ciyaartooyda iyo taageerayaasha Kooxda Horseed ayaa soo dhaweeyay xilka loo magacaabay mudane Cabdi Nuur Warka,iyagoo sheegay in uu yahay shaqsi aad u wanaagsan oo ka soo bixi kara xilka loo magaacabay,waxayna intaa ku dareyn in ay muhiim tahay horomarinta naadiga Ciidan Xooga Soomaaliyeed ee Horseed Sports Club.

Way Mahadsanyihiin Maamulka Kooxda Horseed ee ii gartay xilkan culus,waxaan rajaynayaa in aan la imaado wax qabad wanaagsan oo gul iyo horomar u ah naadiga naadiga Ciidan Xooga Soomaaliyeed ee Horseed Sports Club” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Cabdi Nuur Maxamed Nuur (Warka).

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Horseed

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/dr-maxamed-axmed-kooxda-horseed-wax-badan-ayay-kasoo-bartay-tartanka-jamaacada-carabta/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle