U bood dhigaalka

Kooxda Muqdisho City Club Ayaa Si Weyn Loog Soo Dhaweeyay Duleedka Magaalada Qardho

Sheeko:Cayaaraha

Iyadoo shalay magaalada Garowe ay safar ku tageyn maamulka,macallimiinta iyo ciyaartooyda naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa xalay waxa ay safar dhulka ah ku gaareyn Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar,waxaan halkaas ku soo dhaweeyay maamulka Qardho.

Qardho iyo Garowe oo isku jirta 250 killomiter ayay ciyaartooyda iyo macallimiinta kooxda Dowladda hoose aad ugu helyn nabada ka jirta,iyadoo si wadajir ah ugu mahad celiyay sida diiran ee loo soo dhaweeyay waxaana afka maamulka kooxda Muqdisho City ku hadlay guddoomiyaha naadiga Dowladda Hoose ee Mqudisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh.

Wafdiga Kooxda Muqdisho City ayaa Qardho waxay ay kala kulmeen soo dhaweyn heer sare waxaana magaalada meel u jirto 25 killomiter ku soo dhaweeyay Maamulka Degmada Qardho, maamulka gobalka Karkaar, Taliska Booliiska, iyo Dadweyne u badan dhalinyaro oo isugu jiray wiilal iyo gabdho.

“Ku soo dhawaada Qardho waa magaaladeena labaad waxaan rajaynaaa in aaad ku soo laabataan idinkoo dhan,tani waxay bilaaw u tahay is dhaxgalka kooxaha iyo dhallinyarada dalka” waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Cabdi Siciid Cismaan Duqa Degmada Qardho.

“Waxaan filiyaa in maamulka iyo dhallinyarada kooxda Muqdisho City Club ay aad ugu helyen socdaalkii ka soo bilaaway Garowe ayna ku yimaadeen xarunta dhaqanka ee Qardho,taasna waxay ka tarjumaysaa horomarka iyo nabada Puntland” waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Mustafa Cabdiraxmaan Majacase oo ah Xoghaya Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland