U bood dhigaalka

Kooxda Muqdisho City Club Oo Guul Ku Bilaawday Wareega 2aad Ee Horyaalka Soomaaliya

Sheeko:Cayaaraha

 

Kooxaha kubbadda cagta Muqdisho City Club iyo L.L.P Jeenyo ayaa wada dheelay kulamoodii 10-aad horyaalka Soomaaliya iyo gudd ahaa ciyaartii 47aad xili ciyaareedka 2018-2019.

Qeybta 1aad labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar ku dheehan weerar iyo weerar celis,balse waxaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan waxaana garoonk si weyn usoo camiray taageerayaasha labada dhinac.

Qeybta labaad markii la isku soo laabtay kooxda Muqdisho City Club ayaa heshay labo gool waxaana u dhaliyay laacib ssimpoa oo (No.23) goolka 3aad Waxaa M.C.C u ansixiyay Maxamed Cabdirisaaq Jaayna Waxaana bandhigii goolasha soo qatimay laacibka reer Kenya Marcelo Odhimabo wuxuuna kulanka kusoo idlaaday  4-0 oo ay guusha ku qaateen xidigaha dowladda hoose ee Muqdisho City Club.

Maxaa Laga Bartay Kulanka

-Mogadishu City ayaa gaartay guushii ugu horeesay wareega 2aad horyaalka Soomaaliya olalaha 2018-2019.

Feysal Axmed Xasan ayaa kulankii ugu horeeyay kasoo muuqday horyaalka Soomaaliya tan iyo markii uu bishii October 2018 caasimada Muqdisho u yimid ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulsho.

-Gool haye Saciid Aweys Cali ayaa kusoo laabtay kooxdiis Muqdisho ka dib dhaaawac soo gaaray bishii Janaayo 2019.

-Garsoore Maxamed Nuur Muxidiin (Maxamed Soomaali) ayaa labo kaar casaan siiyay xidigaha kala ah Feysal Axmed iyo Liibaan Muqtaar oo kawada tirsan safafka Muqdisho City iyo  Jeenyo ka dib qalad ay wada galeen.

-Kooxda Jeenyo waa guul daradii 9aad oo kasoo gaarta horyaalka Soomaaliya olalahan,kaliya waxa ay badisay wajiga 1aad hal kulan oo qura waxayna ka adkaatay isla kooxda dowladda hoose ee Mogadisho City Club.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankkii Dhexmaray Kooxaha Muqdisho City Club VS Jeenyo

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/283851735883831/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle