U bood dhigaalka

Kooxda Saxafi Oo La Wareegtay Ciyaaryahan Sarqaawi

Sheeko:Cayaaraha
Kooxda Kubbadda Cagta Saxafi ee ka ciyaarta horyaalka heerka labaad ee Soomaaliya ayaa la soo wareegtay saaxiibada aad isku jecel ee kaalinta labaad keenay kooxda Galmudug ee kala ah Maxamed Maxamuud Sarqaawi iyo laacib Muxidiin Jamaal oo ahaa dhaliyihii goolka labaad ee Galmudug kulankii fiinaalka sanadkii lasoo dhaafay 2020 ee u dhaxeeyay kooxaha Gobolka Banaadir iyo Galmudug.
Labada xidig oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin heshiiska ay la gaareyn naadiga Saxafi,waxayana intaa ku dareyn in ay rajaynayaan Hanashada horyaalka heerka labaad ee kubbadda cagta Soomaaliya.

“Waligay waxaan ahaan doonaan Ciyaaryahan Galmudug,sanadaha soo aadan” ayuu goor hore Goobjoog Sports u sheegay ciyaaryahan kooxda labaad ee Saxafi FC horayna ulu soo ciayaray kooxda kubabdda cagta Galmudug Maxamed Maxamuud Sarqaawi

“Guul ayaan u rajaynayaa Sarqaawi iyo Muxidiin,waa dhalinyaro xirfad wanaagsan,waxaan u haynaa sharaf iyo wanaag,Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug guul ayuu u wada rajaynayaa dhamaan xidigaha Galmudug ee ku kala biiray kooxaha waaweyn ee dalka” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta mudane Xasan Axmed Shire.
Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Galmudug

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/agaasime-cumar-galmudug-way-ku-faraxsantahay-in-ciyaaryahan-sarqaawi-looga-yeero-xulka-qaranka-soomaaliya/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle