U bood dhigaalka

Kooxda Xiriirka Soomaaliya(contact group on Somalia) Ee Ururka OIC Oo Ku Kulmaya Muqdisho

Sheeko:Dalka

Kooxda xiriirka Soomaaliya( contact group on Somalia) ee ka tirsan ururka Islaamiga OIC ayaa maanta shir lagu sheegay kulan heer wasiirro ah ku qaban doona magaalada Muqdisho.

Kulanka oo xoogga lagu saarayo nabadda, dhismaha dowladnimada iyo sidii xasilooni iyo dimoqoraadi looga hirgelin lahaa Soomaaliya ayaa waxaa Villa Somalia u matalaya wasiirka arrimaha dibadda, iyada oo golaha ammaanka loogu baaqi-doono inay cunaqabateynta hubka gebi ahaanba ka qaadaan Soomaaliya.

Isu imaatinkan, waa mid ku kooban kooxda(contact group on Somalia) ee dalalka ku jira , kooxdan waa kuwoo daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaa ay si joogta ah u kulmi jireen sanadihii tagay.

Dalalka urur Islaamka oo ka kooban 57 dal ayaa waxaa ay leeyihiin kooxaha Contact group ee dalalka Mali, Somalia, Yemen, Bosnia Herzegovina iyo dalal kale.

Goobjoog News