Kooxo Hubeysan Oo ka Tirsan Rohingya Oo Xasuuq U Geystay Dad Hunduus Ah

Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in koox hubeysan oo ka tirsan Muslimiinta Rohingya ay geysteen xasuuq ka dhan ah dad aaminsan diinta Hunduuska kuwaasi oo ku nool Myanmar.

Hay’adda ayaa sheegtay in ciidamada badbaadinta Rohingya ay xasuuq ka geysteen gobolka Rakhine iyaga oo dilay dad gaaraya 99 qof oo haysta diinta Hundiiska dhacdadaan ayaa aheyd bishii August ee la soo dhaafay balse kooxda waa ay iska fogeysay eedeyntaas.

Xasuuqa ayaa waxaa uu dhacay maalmihii ugu horreeyay kacdoonkii looga soo horjeeday ciidamada Burmese kuwaasi oo la aaminsanyahay in ay kaalin ku lahaayeen falal ka hor imaanayo bani’aadannimada.

Waxaa la sheegaa ku dhowaad  700 kun inay ka barakaceen guryahoodii tan iyo markii ay bilowdeen rabshadaha.

Amnesty International ayaa sheegtay in 45 qof lagu duugay afar xabaal wadareed ah dhamaadka bishii September ee la soo dhaafay.

Baaritaanka hay’adda ayaa sheegaya in xasuuqyo kale loo geystay dadka Hunduuska, waxayna gaareysaa tirada guud eek u waxyeelowday xasuuqaas 99 qof oo rayid ah.

Goobjoog News

Related Articles

One Comment

  1. Wayne Rooney insists Manchester United will mount a serious title challenge next season. A difficult first season of the Louis van Gaal era ended with a 0-0 draw at Hull on Sunday. Wayne Rooney insists Manchester United are a ‘player or two’ away from competing for Premier League title next season

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW