U bood dhigaalka

Kormeerka Taliyaha AMISOM ee Kudhaa iyo Foojignaanta Laga Qabo Weerarkii Leego oo Kale

Sheeko:Dalka

Taliyaha AMISOM ee guud Jen. Jonathan Rono ayaa kormeer ku tagay saldhig ciidamada nabad illaalinta Midoowga Afrika ay ku leeyihiin jasiiradda Kudhaa ee Jubbada Hoose halkaasi oo sanadkii hore ay weerar ku qabsatay Alshabaab, kana geysatay wax la mid ah dhacdadii tuulada Leego ee Shabeelada Hoose.

Taliyaha ayaa ciidamada ku amaaanay waxqabadkooda iyo foojignaantooda, isaga oo dul tagay dhufeysyada ay ciidamada ku jiraan, hubka ay heystaan, waxa uu eegey sida ay waardiga u galaan iyo waxyaabo kale.

Taliyaha oo ka hadlay weerarkii Leego ka dhacay ee Alshabaab geysatay ee uu qasaaraha badan ka dhashay ayaa waxa uu yiri “Al-shabaab kuma Guuleysanayaan Hadallada ay Faafinayaan. Ciidamadeennu Waa kuwo diyaar u ah inay ka hortagaan weerar walba oo kaga yimaada Dhankooda iyo Cid walba oo carqalad wadda. Waayo ciidamadeennu waa kuwo u Tababaraan inay ka hortagaan weerar walba oo gaadmo ah. Khasaarihii ciidankeena kasoo gaaray weerarkii Leego ma ahan mid ah inay Al-shabaab guuleysatay. Waxaad arki doontaan maalmaha soo socda sida aan ula dhaqmeyno Al-shabaab,” .

Kudhaa waxa ay ku taalaa meel 120 u jirta magaalada Kismaayo , waana meel furun ah oo ay isku fadhiyaan ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Jubbaland oo dhinac ah iyo kuwa Alshabaab oo dhinac ah.

Waxa ay ka mid tahay meelaha looga cabsi qabo in lasoo weerari karo sidii Leego oo kale, AMISOM-na waxa ay ka hortagaysaa , kana foojigantahay arrintaasi.

Waxaa jira qorshe la hadal hayo in bishan dabayaaqadeeda la bilaabayo hawlgal ciidan oo ka dhan ah Alshabaab oo ka bilaabanaya gobolada Jubbooyinka, hase yeeshee AMISOM kama aysan hadlin qorshahaasi.

Goobjoog News

kudhaa 2 Kudhaa