Korneel Buulle “Howlgalkii Jubbada Hoose Kaligeen Ayaan Fulinney”

Korneel Buulle Maxamed Ibraahim oo ka mid ah saraakiisha xoogga dalka ee gobollada Jubbooyinka ayaa ka hadlay howlgal Al-shabaab looga diley 18 ka mid ah Al-shabaab kaasi oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

Korneel Buulle ayaa sheegay in howlgalkaan ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland, islamarkaana ay sidoo kale soo qabsadeen hub badan.

Waxa uu tilmaamay Korneelka in Maraykanka ciidankiisu aanay howlgalkaasi ka qeybgelin, balse ay si kore ula socdeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Howlgalkii Jubbada Hoose kaligeen ayaan fulinney, ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee Soomaaliyeed, Maraykana kaalin weyn kuma lahayn weerarkaan balse kor ayeey kala socdeen, waana ku guuleysannay” ayuu yiri Korneelka.

AFRICOM ayaa sheegtay in weerar ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ku dileen 18 ka mid ah Al-shabaab.

Goobjoog News

 

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply to cialis 20 mg Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW