U bood dhigaalka

Korneel Cabaas Gurey Oo Loo Magacaabay Taliyaha Ciidamada Jubbaland Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu taliyaha ciidamada Jubbaland ee Gedo ugu magacaabay Korneel Cabaas Ibraahim Gurey, iyadoo taliye ku xigeenna loo magacabay Cabdullaahi Cismaan.

Taliyaha cusub iyo ku xigeenkiisa ayaa ku sugan degmada Doolow oo dhawaan heshiis uu ka dhacay, waxaana ay soo dhaweeyeen xilkaasi loo magacaabay.

Korneel Cabaas ayaa ka mid ahaa xubnaha aadka uga soo horjeeday maamulka Jubbaland, hase ahaatee waxa uu ka mid noqday xubnihii dhawaan  Axmed Madoobe kula heshiiyay degmada Doolow.

Maamulka Jubbaland ayaa isbedal dhanka maamulka iyo ciidamada ah waxa uu ka wadaa Gobalka Gedo, iyadoo dhawaan la magacaabay gudoomiyaha gobalka Gedo, xilkana laga qaaday gudoomiyahii hore ee gobalkaasi.

Goobjoog News