U bood dhigaalka

Korneel Ciiro “Al-shabaab Dhabar Jab Ayeey Ku Noqoneysaa Qabashada Degmada Baardheere”

Sheeko:Dalka

Korneel Cabdullaahi Aadan Cirro oo ka mid ah saraakiishii hore ee ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Al-shabaab dhabar jab ay ku noqon doonto ka qabsashada degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

Waxa uu sheegay Korneelka isaga oo u waramayay Goobjoog News in dowladda Federaalka ay guul u tahay degmadaasi inay qabsato, walibana ay tahay mid ahmiyad gaar ah leh.

“Degmada waxa ay tahay mid muhiim ah, Al-shabaab dhabar jab ayeey ku noqoneysaa qabashada degmada Baardheere, dowladdana waxa ay u tahay muhiim, sababtoo ah waxaa is raacay gobalka Gedo oo dhan, waxaana shacabka ay yihiin kuwo hadda nolol cusub bilaabaya” ayuu yiri Korneelka.

Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday aragtidiisa ku aadan is qabqabsiga maamul ee ka jira gobalka Gedo iyo saameynta uu ku yeelan karo degmada Baarhdeere ayuu sheegay in shacabkaasi ay yihiin xur, islamarkaana halka ay doonaan raaci karaan.

Xarakada Al-shabaab ayaa isaga baxday degmada Bardheere ee gobalka Gedo, iyadoo gelinkii dambe ee shalay ay halkaasi la wareegeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News