U bood dhigaalka

Korneel Roobow “DFS Amniga Wey Ku Fashilantay” (Dhageyso Wareysi)

Sheeko:Amniga

Qabiir dhanka amniga ah ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay ku fashilantay wax ka qabashada amniga, Labadii sano ee lasoo dhaafay.

Korneel Shariif Xuseen Roobow, xoghayaha guud ee xisbiga Cadaaladda iyo Badbaadada oo u warammay Goobjoog, wuxuu sheegay in hadana aan dowladdan laga sugeyn in ammaanka ay wax ka bedasho.

Mudadii ay jirtay dowladdan ayuu sheegay in ay ku mashquushay waxyaabo aan dan ugu jirin shacabka, sidaasi darteedna ay dayacday ammaanka.

Sababta aan hadda looga sugeyn iney amniga wax ka qabato ayuu sheegay iney geli doonto olole doorasho, islamarkaana Labadii sano ee ay wax qaban lahayd soo dhaaftay.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga:

Goobjoog News