U bood dhigaalka

Koronto La’aan Ka Jirta Xaafado Ka Tirsan Magaalada Hargeysa

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa waxay sheegayaan in weli koronto la’aan ay ka jirto xaafado ka tirsan magaaladaasi kadib markii halkaasi uu ka da’ay roobdabeylo xooggan watay.

Xaafadaha ku yaalla galbeedka magaalada Hargeysa ayaa ugu badan meelaha koronto la’aanta ah kadib markii Fiilooyinkii korontada geynayey ay go’een.

Dabaylihii la socday roobka ayaa soo riday geedo waaweyn, waxaana geedahaasi ay sababeen in ay jarmaan dhammaan fiilooyinka.

Wariyaheena Cumar Serabia ayaa soo sheegaya in maamulka Somaliland uu wado dadaallo uu ku doonayo in lagu garab istaago dadkii waxyeelladu kasoo gaartay roobabkaasi.

Dad ku dhaw 10 ayaa halkaasi ku dhintay 26 kalena waa ay dhaawacmeen kadib guryihii ay ku jireen oo dumay.

Roobkan watay dabaylaha ayaa sidoo kale sababay in ay xirmaan waddooyinka badan oo muhiim ah, sidoo kalena ay burburaan dhismayaal badan.

Goobjoog News