U bood dhigaalka

Koronto Wiil Dhallinyaro Ah Ku Dishay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Dadka ku dhaqan degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa saakay kusoo kacay meydka wiil dhallinyaro ah oo ku jiray luuq aad u ciriir ah oo ku yaalla wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Halka uu ku jiray Meydka wiilkan ayaa ahayd Luuqa (jiirada) u dhaxeysa Hotelkii Kuwait ee kasoo horjeedka Hoteelka Makka Al-mukarrama iyo sidoo kale dhisme halkaasi ku yaalla.

Sida ay sheegeen dad ku dhow wiilkan, waxaa dishay Koronto halkaasi taallay, taasi oo ku jarantay qaraxii dhowaan ka dhacay Wadada Makka Al-mukarrama, sidaasina uu ku dhintay.

Ciidamada Booliiska oo halkaa tagay ayaa Meydka halkaa kasoo saaray, waxaana la sheegay in baaritaanno dheeraad ah lagu sameyn doono.

Goobjoog News