U bood dhigaalka

Ku Dhawaad 10 Qof Oo Ku Dhaawacantay Qarax Ka Dhacay Degmada Wadajir

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhaawacantay qarax maanta ka dhacay suuqa weyn ee degmada Wadajir magaaladan Muqdisho.

Qaraxani ayaa lagu tuuray gaari nuuciisu yahay Kaarib oo taagnaa suuqaweyn ee degmada Wadajir, halkaas oo maanta ahayd meel aad u saxmad badan isla markaana ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Sideedda ruux ee dhaawaca ah waxaa xaqiijiyay maamulka degmada oo sheegay inay ahaayeen dadkii ka dukaamaysanaeay suuqaasi.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda degmada Wadajir Abuukar Sheekh Axmed oo si gaar ah ula hadlay Goobjoog wuxuu sheegay in xaaladdu hadda ay tahay mid deggan.

Abuukar Sheekh ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay wadaan howlgallo lagu baadigoobayo dadkii ka dambeeyay falkaas.

Goobjoog News