U bood dhigaalka

Ku Dhawaad 50 Ruux Oo Ku Waxyeeloobay Rabshado Ka Dhacay Hong Kong

Sheeko:Dalka

44 ruux oo isugu jira dad rayid ah iyo Boolis ayaa dhaawac uu ka soo garay rabshado ka dhacay degmada Mong Kok ee dalka Hong Kong intii lagu guda jiray qorshe dowlada dalkaa ay ku dooneyso in ganacsatada yar yar looga burburiyo ganacsiyo wadooyinka hareerihiisa ku yaalla.

Rabshadaha ayaa billawday kadib markii ciidamada qaabilsan fayadhowrka cunnada iyo nadaafaddu ay billaabeen howlgal ballaaran oo waddooyinka looga baneynayo ganacsatada waddooyinka ku ganacsada.

Garabrarato carreysan ayaa Booliska dhagxaan ku tuurayey iyada oo Booliiskuna uu ku jawaabayey Budad iyo basbaas dadka lagu buufinayo si loo cabsi geliyo.

Dowladda Hong Kong ayaa falkan cambaareeysay waxa ayna sheegtay in ay waratadu  sameysay falal aad u xun maadaama ay baabi’iyeen gawaari Booliisku uu lahaa iyo hanti kale oo uu shacabku lahaa.

Waxaana ay dowlada dalkaa sheegtay in ay balan ku qaadeyso in cadaaladda la hor keeni doono dadkii ka dambeeyey qulqulatada halkaa ka dhacday.

Yau Siu-kei oo ah ku simaha taliyaha  degmada  Mong Kok, ayaa ku cambaareeyey dhacdadan koox yar oo fidna abuur ah.

Dalkaa kumaan dad ah ayey noloshoodu ku xirantahay macaashka laga helo cunnooyinka iyo dharka wadooyinka lagu gado, taas oo ciriiri badan ka abuurtay waddooyinka dalkaa ee muhiimka ah.

Goobjoog News