U bood dhigaalka

Ku Dhawaad 50 Ruux Oo Lagu Xiray Hong Kong

Sheeko:Amniga

Booliska Hong Kong ayaa xiray ku dhowaad 50 qof maanta oo arbaco ah waxaa ay iskugu jiran kuwa u ololeeya dimuqraadiyadda iyo sharci dejiyaal hore iyaga oo looga shakiyay in ay jabinayaan sharciga amniga qaranka ee dalka.

Dalka la xiray waxaa ka mid ah sharci-dejiyayaashii hore, kuwaas oo si ballaaran uga soo horjeeday dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda ee Hong Kong, warbaahinta maxalliga ah ayaa soo warisay, in hanaanka dolwadda ee la xiriiro sharciga kaas oo ay dimuqaraadyiintu u arkaan mid aan la isku waafaqsaneyn.

Wasiirka amniga John Lee ayaa yiri: “Howlgalka maanta waxaa lagu bartilmaameed-sanayaa canaasiirta firfircoon ee looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin fal dambiyeedka afgembi, faragalin arimaha amaanka dalka iyo fulinta howlaha sharciyeed ee dowladdeena”.

Boggaaga baraha bulshada gaaar ahaan barta Facebook ee Xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegay in booliisku ay u xireen dadka u dhaqdhaqaaqa inay ka qaybgalaan codbixin si madaxbanaan loo abaabulay sanadkii hore si loo xusho musharixiinta dimoqraadiga ah ee doorashada goleyaasha sharci dejinta, taas oo xukuumadda Hong Kong iyo Beijing ay ka digeen xilligaas inay ku xadgudbi karaan sharciga cusub.

Isku deyga lagu doonayo in lagu kasbado aqlabiyadda 70-ka kursi ee sharci dejinta magaalada, taas oo qaar ka mid ah musharixiinta ay sheegeen in loo adeegsan karo in lagu hor istaago soo jeedinta dowladda iyo kordhinta cadaadiska dib u habeynta dimuqraadiyadda, ayaa loo arkay “ficil qaran dumis ah, oo ku xadgudbaya sharciga amniga qaranka,” xisbiga ayaa hadalkaasi la wadaagay warbaahinta.

Maxabiista xabsiga loo taxaabay waxaa ku jiray shaqsiyaad caan ah oo dimuqraadi ah iyo xildhibaano hore waxaana ka mid ah James To, Lam Cheuk-ting iyo Lester Shum, sida lagu sheegay bogga Facebook ee Xisbiga Dimuqraadiga iyo warbaahinta dadweynaha.

Doorashada sharci dejintu ayaa lagu waday bishii Sebtember laakiin dib ayaa loo dhigay, iyada oo mas’uuliyiintu ay ku sheegeen halista coronavirus.