U bood dhigaalka

Ku dhawaad boqol arday oo maanta siminaar Afka Soomaaliga ah uga furmay Akadeemiyadda Warbaahinta Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta xaruta Somali Media Academy ee magaalada Muqdisho ka furmay koorso deg deg ah oo lagu baran doono naxwaha afka Soomaaliga iyo Mideynta qoraalka taa oo socon doonta muddo sedax bil ah.

Koorsadan ayaa loo qabtay Wariyaal ka socday Idaacadaha Goobjoog, Maandeeq iyo arday ka kala socotay qaar ka mid ah jaamacadaha Magaalada Muqdisho.

Waxaa koorsadaan bixinaya Bare ku xeel dheer cilmiga naxwaha Afka Soomaaliga oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Shiraac, kaa oo ka mid ahaa barayaashii Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Waxa ay maanta ardaydu qaateyn cashiradii ugu horeeyay ee Naxwaha, waxayna faham buuxa ka heleen, Asalka Af-Soomaaliga, Naxwaha Soomaaliga iyo Qeybaha kala duwan ee Naxwaha.

Siminaarkaan ayaa markii uu soo gaba gaboobo waxay dhamaan ardadu heli doontaa shahaado Naxwaha Af- Soomaaliga ah.