U bood dhigaalka

Kudladda Baarlamaanka ee Badbaado oo Sheegtey in Madaxweynaha uu Ku Gacan Seyrey Talooyinkooda

Sheeko:Dalka

Cabdiwali QanyareKudlad cusub oo ay ku mideysanyihiin illaa 100 xildhibaan oo lagu magacaabo Badbaado ayaa maanta waxa ay saxaafadda u sheegeen in madaxweynaha uu ku gacan seyrey talooyin ay u jeediyeen oo ku saabsan dhismaha xukuumadda soo socota.

Xildhibaan Cabdiwali Maxamed Qanyare Afrax oo u hadlay kudladda ayaa sheegey in madaxweynaha ay la kulmeen 9-kii bisha iyaga oo ah 25 xildhibaan oo ay iska soo dhex xuleen, una soo jeediyeen in xukuumadda lasoo dhisayo ay noqoto mid wadaag ah, balse uu taladaasi diidey madaxweynaha.

“Madaxweynaha waxa uu nagu yiri xukuumadda Ra’isulwasaaraha ayaa xaq u leh soo magacaabisteeda, Ra’isulwasaarahana aniga ayay ii taalaa qofka aan u magacaabayo” ayuu yiri xildhibaan Qanyare.

Waxa kale oo ay kudladda cambaareysey xarig loo geystey Xildhibaan Axmed Gurxan iyo waliba agaasimihii wasaaradda haweenka oo isna xalay la xirey.

Dhanka kale waxa uu Cabdiwali sharaxaad ka bixiyey qaab dhismeedka Kudladda, wuxuuna sheegey in Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dheg-Dheer) uu yahay guddoomiyaha, labo ku xigeen oo kala ah Xildhibaan Siciid Maxamed Cali iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Cusmaan Jurille, halka xogheynta uu yahay Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Axmed Coonka iyo afhayeenka oo ah Xildhibaan Bishaar Ugaas.

Goobjoog News