U bood dhigaalka

Kudladda Badbaado “Ra’isulwasaaraha Waxaan Kula Taliney in uu Soo Dhiso Xukuumad Wadaag Ah”

Sheeko:Dalka

Cabdi BarreKadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay Kudladda Badbaado ee baarlamaanka waxa ay soo saareen hadal rasmi ah oo ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku go’aansadeen shirkii ay yeesheen.

Xildhibaan Bishaar oo ah afhayeenka Badbaado iyo Xildhibaan Cabdi Bare oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegey in waxyaabaha ay ku heshiiyeen ay ka mid tahay in la asaaso madal ama shir la’isugu keenayo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada si ay aayaha dalka oga tashadaan.

Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen in ay taageeraan Ra’isulwasaaraha cusub Cumar Cabdirishiid, islamarkaasina ka shaqeeyaan sidii codka kalsoonida uu oga heli lahaa baarlamaanka, si dalka horey ugu talaabsado, loogana fogaado caqabad kale oo ragaadisa dowladnimada Soomaaliya, go’aankana ay gaareen kadib markii ay arkeen taageerada shacabka Soomaaliyeed ay u muujiyeen Cumar Cabdirishiid.

Talooyin ayay u jeediyeen Ra’isulwasaaraha waxaana ka mid ah in uu soo dhiso xukuumad wadaag ah.

Xildhibaan Cabdi Barre ayaa yiri “Waxaan rabnaa in boqolkani xildhibaan ee Badbaado ay noqdaan sidii 13-kii SYL oo kale, dalkana 2016-ka la gaarsiiyo doorashooyin iyo horumar”.

Wuxuu sheegey in ay markasta ka hortagayaan isku day kasta oo dalka lagu burburinayo iyo wax uu ugu yeerey “Kana siin, kana saar” oo uu ula jeedey Ra’isulwasaarayaasha la’isku badalayo mar kasta.

Ugu dambeyntii waxa uu xildhibaanka sheegey in kudladda ay xafiis ka furan doonto dalka oo dhan, iyo waliba dibadaha meelaha ay dadka Soomaaliyeed ku badanyihiin, si talada dalka ay dadka oga wada qeybqaataan.

Goobjoog News