U bood dhigaalka

Kufsiga Loo Geysto Haweenka Dhibaato Intee La Eg Ayuu Ku Reebaa Maskaxdooda? (Dhageyso Warbixin)

Sheeko:Dalka

MaskaxHaweeneey in la kufsado waa tacadi iyo Talaabo kasoo horjeeda Diinta Islaamka, iyadoo bulshada Soomaaliyeed ay arintaan isku waafaqsanyihiin.

Haweenka Kufsiga kula kulma deegaanada Soomaaliland oo u badan kuwo da’dooda u dhaxeysa 10-sano jir ilaa iyo 35 jir sida ay soo saartay bishii 9-aad ee Sanadkan xarun lagu magacaabo Xarunta Xaquuql Insaanka ee Fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa, waxa ay haweenkaasi badankooda la kulmaan dhib maskaxeed oo Kufsiga ku reebo.

Kufsiga oo noocyada u dhaca ka mid yihiin Kan loo yaqaano Kufsi Wadareed, kaa oo ay ka qeyb qaataan koox rag ah, waxa uu noqdaa kan dhibka ugu badan ee maskaxeed Haweeneyda ku reeba.

Hodan Axmed oo ah Gabar 22-sano jir ah bishii Sedaxaad ee Sanadkaan waxaa xaafad ka mid ah magaalada Hargeysa waqti habeen ah ku kufsaday 7-wiil, waxaana dacwadeeda xilligaan ay ku jirtaa Maxkamada Hargeysa ka dib markii lasoo qabtay wiilashii falkaasi geystay, iyada oo daremayso isbedal ku yimid nolosheeda wixii ka dambeeyay markii la Kufsaday.

“Si fiican ayeey niyadeeda isku bedalaysaa, waayo kalsoonidii markii hore aad magaalada ku joogtay ayaana jireyn, qof walba waxaad moodeysaa in uu adiga ku eegayo oo uu ku dhaliilayo kuna oranayo waa tan tii la kufsaday, waana run oo tan ka jirta Soomaalida oo dhan ayaa sidaasi ah, dadka waxyar oo fudud ayeey u haystaan, laakiinse wax fudud ma ahan, waayo qof dhan ayaad magaciisa ku ciyaartay sumcadiisa iyo sharaftiisa ayaad hoos u dhigtay waa qof aad mindi galisay ama xabad aad ku dhufatay oo kale” Hodan Axmed ayaa sidaasi sheegtay.

Xarumaha tala bixinta lagu siiyo haweenka la kufsado waxay sheegayaan in ay yihiin kuwo u nugul dhibka loo geysto.

Caasha Cabdi Rooble oo maamule ka ah xarun lagu magacaabo baahi Koo boo Shantii Sano ee ugu dambeysay ka shaqeynaysa arimaha talo siinta iyo u doodista haweenka la kufsado ayaa sheegtay in Kufsiga uu yahay mid dhib badan, islamarkaana qofka aanu ahaanayn qof caadi ah.

“Runtii Kufsiga sidiisaba ma ahan qofka in Kufsi uu ka dhaco hadana caadi iska ahaado ma dhici karto, mar walba qofka la dhibaateeyo waa qof aad u yaaban oo u fajacsan, qofka yar iyo kan kale wey sii kala culus yihiin” Caasha Cabdi Rooble

Saciid Habane oo isna jaamacadda Camuud ka ah bare dhigana Cilmi nafsiga ayaa sheegay in kufsiga uu keenayo dhibaatooyin aad u badan oo isugu jira Jir ahaan iyo maskax ahaan intaba.

Halkaan Hoose ka dhageyso Warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo arintaan ku aadan oo Wariyaheena Cumar Seerbiya diyaariyay.

Goobjoog News