U bood dhigaalka

Kulamo Barbar Socda Shirka Hiigsiga ee Istanbul

Sheeko:Dalka

Shirka Heer Wasiir ee Madasha iskaashiga Istanbul ee February 23-24-ka ka dhici doona Istanbul waxaa barbar socda shirar kale oo looga hadlayo arrimaha Maalgeshiga iyo Ganacsiga iyo kulan kale oo looga hadlayo awoodsiinta dhallinyarada iyo haweenka.

Shirkan Ganacsiga iyo Maalgeshiga ee Turkiga iyo Soomaalida:

Shirkan Ganacsiga iyo Maalgeshiga ee Turkiga iyo Soomaalida, waxaa martigelinaysa xukuumadda Turkiga, madashan Maalgeshiga ee Turkiga iyo Soomaaliya waxaa uu qabsoomayaa February 22, 2016-ka, waxaana ka soo qeyb galaya bahda ganacsiga ee Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana looga hadli doonaa Korontada, kalluunka, Dhismaha iyo Bankiyada,

Shirkan ganacsiga oo hal maalin ah waxaa dhanka Soomaalida uga qeybgalaya Dowladda Soomaaliya Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, Maamul Goboleedyada, rugta ganacsiga ee dowladda iyo maamul goboleedyada, ganacsatada Soomaaliya,

Shirka Awoodsiinta Dhallinyarada iyo Haweenka:

Waxaa shirka Hiigsiga Istanbul dhinac socda kulan ballaaran oo looga hadlayo awoodsiinta dhallinyarada iyo haweenka ee dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Shirkan waxaa uu ka soconayaa Istanbul February 21-25-keeda, waxaana martigelineysa xukuumadda Turkiga.

Madasha Ministerial High Level Partnership Forum:

Maalmaha February 23-24-keeda waxaa Istanbul ka dhacaya shirka madasha ee loogu yeero Shirka Heer Wasiir ee Madasha iskaashiga Istanbul, waxaana lagu wadaa in lagu qiimeeyo hiigsiga 2016-ka, loogana hadlo go’aankii nidaamka doorasho ee dalka ka dhaceysa 2016-ka.

Shirka waxaa martigelineysa dowladda Turkiga, waxaa ka soo qeybgalaya 51 dal oo caalamka ah iyo 12 urur oo gobolka iyo caalamka ka socda, waxaana shir guddoominaya Madaxweyne Xasan Sheekh, Madaxweyne Recep Tayyip ERDOGAN iyo ku xigeenka xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey Mr. Jan ELIASSON.

Waa  shirkii 3-aad ee Ministerial HLPF, iyadoo labadii shir ee hore noocaan ahaa ay ka kala dhaceen Copenhagen November 2014 iyo Mogadishu July 2015.

Shirkan waa shirkii 6-aad oo qeyb ka ah shirarka loo yaqaano High Level Partnership Forum, waxaana  lagu qiimeyn doonaa New Deal-ka Soomaaliya oo soo bilowday 2012-ka.

Dalka Turkiga waxaa ka dhacay labo shir oo madashan weyn loogu diyaar garoobay, midka hore waxaa uu ka dhacay Ankara 23-24 November, shirkaas waxaa joogay wakiilo ka kala socday Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga, dowladda Soomaaliya, Ingiriiska, Mareykanka, Qaramada Midoobey iyo waddamo kale.

Shirkii labaad ee madasha February 23-24-ka ee Istanbul loogu diyaar garoobayey waxaa sidoo kale uu ka dhacday Ankara 19-20 January 2016, waxaa ka soo qeybgalay intii shirkii hore joogtay.

Shirka Istanbul waxaa uu ka dhacayaa: Conrad Istanbul Bosphorus, Hilton ParkSA İstanbul, AC İstanbul Maçka by Marriott.

Luqadaha lagu hadlayo inta uu shirka Istanbul socdo waa Turkish, Somali iyo English, waxaa kaloo goobta lagu fududeyn doonaa Tarjumidda Luqadahaas.

W/D: Abdi Aziz Ahmed Gurbiye, 

Arrimaha shirka Istabul, Kala soco Goobjoog News