U bood dhigaalka

Kulamo dhex maray Gudiga dib u heshiisiinta iyo Odayaasha Beelahaa jubboyinka

Sheeko:Dalka

Wararka ka imanaya Kismayo ayaa sheegaya in Kulamo gooni gooni oo dhex maray  Gudiga dib u heshiisiinta iyo Odayaal Matalaya Beelaha jubboyinka uu ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose

Gudigan oo loo xilsaaray isku keenida iyo dib u heshiisiinta Beelaha wada daga Gobolada Jubooyinka ayaa kulamo gaar gaar ah Magalada Kismaayo kula qaatay Odayaal ka kala socda qaar ka mid ah Beelaha wada daga Goboladaasi kuwaasi oo kala hadlay sida la doonayo in Beeluhu ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka ee dhawaan la filayo inuu ka dhoco Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Suldaan Adan Maxamud Garabey oo ka mid ah Salaadiinta Beelaha Jubooyinka oo la hadlay Goob-joog FM ayaa sheegay in Gudigu uu si gaar gaar ah ula hadlay beelaha wada daga Gobolada Jubooyinka Odayaal ka kala socda kuwaasi oo uu sheegay inay balan qaadeen inay kaalintooda ka qaadanayaan shir4ka dhawaan ka furmaya Magaalada Kismaayo

Dhawaan ayaa la filayaa in magaalada Kismaayo lagu qabto wejiga labaad ee shirka dib-u-heshiisiinta beelaha jubboyinka kadib markii bishii hore Barre adan Shire lagu qanciyey inuu ka qeyb qato geedi-socodka nabadda ee gobollada Jubba.