U bood dhigaalka

Kulamo dib u heshiisiin ah oo ka bilowday Kismaayo

Sheeko:Dalka

Guddiga dib u heshiisiinta beelaha wada dega gobolada Jubbooyinka ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay odayaal matalaya beelahaasi.

Kulankan oo gogol xaar u ah shirka dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka iyo Gedo ayaa guddigii loo xil saaray waxa uu sheegay in odayaasha beelaha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo in lagu qanciyay muhiimada shirkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka iyo Gedo Cabdi Baaleey ayaa Goobjoog FM u sheegay in odayaasha matalaya beelaha wada daga Jubbooyinka iyo Gedo ay fahmeen Muhiimada shirka la filayo dhawaan in lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Cabdi Baaleey ayaa dhanka kale beeniyay in kulankii guddigu uu ku qabtay magaalada Kismaayo uu goob joog ka ahaa wafdi ka socda urur goboleedka IGAD.

Hoos ka dhageyso codka Cabdi Baaleey: