U bood dhigaalka

Kulamo kala duwan loogana arinsanayo doorashooyinka 2015 ee Somaliland oo hargeysa ka socda (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Magaalada Hargaysa ee Maamulka Somaliland waxa ka soconaya kulamo Siyasadeed oo dhamaantooda diirada lagu saarayo doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan halkaasi sanadka 2015-ka.

Wadooyinka Magaalada Hargaysa waxa lagu arkayaa boorar ay ku xar dhan yihiin hal ku dhigyo ka tarjumaya doorashada iyo muuqaalka Musharaxiinta u tartamaysa xilka Madaxtinimo.

Doorashadan soo socota ayaa ka duwan tii hore marka loo eego, tirada musharaxiinta u taagan xilkan.

Madaxwaynaha hada talada haya ee Somaliland Axmed Maxmed Siilaanyo ayaa ka mid ah masuuliyiin ku dhawaqay in ay u taagan yihiin xilkan.

Wariyaheena Cumart Seerbiya oo arimahaan ka hadlay hoos ka dhageyso.

Goobjoog News