U bood dhigaalka

Kulamo Looga Arrinsanayo Soo Xulista Xildhibaanada Koonfur Galbeed Oo Ka Socda Baydhaba

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay waxaa ka soconaya kulamo kala duwan oo looga arrinsanayo sida loo soo xuli lahaa xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Kulamadaan waxaa magaalada Baydhaba ku qaadanaya Odayaasha dhaqanka ah ee ku howlan sidii ay kusoo xuli lahaayeen xildhibaanadaasi, maadaama dhawaan ay dhammaan Odayaasha laga doonayo in ay wax soo xulaan wada tageen degmadaasi.

Malaaq Deyrow oo ka mid ah Odayaasha Baydhaba ku sugan ayaa sheegay in maalmaha soo aadan lasoo gaba gabeyn doono arrinta ku aadan soo xulista Baarlamanka Koonfur Galbeed, laguna dhawaaqi doono Mudanayaasha baarlamaankaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-kii bishaan safar ku tagay magaalada Baydhaba ayaa ugu baaqay Odayaasha dhanka iyo maamulka Koonfur Galbeed in ay ku dadaalaan sidii ay degdeg ugu soo dhameystiri lahaayeen maamulkaasi.

Waxaa jira beello deggan gobalka Bakool oo dhaliilsan hanaanka xilligaan loo qeybiyay xubnaha baarlamanaka Koonfur Galbeed, waxaana qaarkood ay sheegeen in aysan ka mid ahayn maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjoog News