U bood dhigaalka

Kulamo Looga Dalbanayo Ra’iisul Wasaare Cumar Soo Dhisidda Xukuumada Tayo Leh Oo Muqdisho Ka Dhacay

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho  waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay kulamo gaar gaar ah, kaasi oo ay yeelanayeen qaar ka mid ah  Odayaasha Dhaqanka Iyo Waxgaradka Soomaaliyeed, kuwaas oo baaqyo iyo talooyin loogu jeedinayo  Ra’iisulwasaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke kuna aadan soo Magacabista Golihiisa Wasiirada.

Kulamada qaar ayaa  loogu dalbaday  Ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid  in si cadaalad ay ku dhisan tahay uu  ku soo Magacabo Gole Wasiiro oo ay ku qancaan Ummada Soomaaliyed.

Waxgaradkaan qaarkood ayaa sheegay in Soomaaliya xilligaan ay u baahan tahay in la helo Nabad iyo kala dambeyn, sidoo kalena Ra’iisul wasaaraha laga doonayo inuu soo magacaabo dad leh aqoontaasi.

Isloow Maxamed oo ka mid ah waxgaradkii kulamadaan ka qeyb galay ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha loo jeedinaayo oo kaliya baaqa ah in dalkaan marxaladda uu ku jiro laga bixiyo, soona magacaabo dad kaalin arintaasi ka qaadan karo.

Siyaasiin Magac ku leh Bulshada Soomaaliyeed ayaa xilligaan aad u daneynaya inay kasoo dhex muuqdaan golaha wasiirada cusub ee la filayo in Ra’iisul wasaare Cuimar soo magacaabp.

Goobjoog News