U bood dhigaalka

Kulamo looga hadlayo colaada Caabudwaaq oo ka bilawday degmadaas

Sheeko:War

Wafdigii Dowladda federaalka Soomaaliya ay u dirtay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa Bilaabay Kulamo Gaar gaar ah oo ay la yeelanayaan Odayaal matalaya dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi.

Wafdigan oo dhex dhexaadinta beelaha dagaalku dhexmaray u gaaray degmada Caabudwaaq ayaa la sheegay inay la kulmeen dhinacyada dagaalku dhex maray, kuwaasi oo Dowladdu ay ka codsaneyso inay joojiyaan Colaada dib uga bilaabatay degmada Caabudwaaq sida uu Goobjoog FM u sheegay Nabadoon Maxamed Ciise Cadde oo ka mid ah odayaashii la kulmay wafdigii Dowladda federaalka Soomaaliya.