U bood dhigaalka

Kulamo Wadatashi Ah Oo Ka Socda Magaalada Jowhar

Sheeko:Dalka

Kululama Gaargaar ah ayaa ka soconaya Magaallada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhaxe halkaasi oo loo Madalsanyahay in lagu qabto Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Oadayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka ayaa kulamaadan qayb ka ah waxaana looga arrinsanayaa sidii loo dardargelin lahaa dhisidda maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Sidoo kale waxaa jirta weli kala aragti duwanaansho ay qabaan qaar ka maid ah Odayaasha dhaqanka ee Labada Gobol.

Waxgarad ku shiray magaalada Baladweyne islamarkaana sheegay inay isugu jiraan Odayaasha dhaqanka ee kasoo kala jeedda Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa sheegay in marnaba aanay raakli ka ahayn hanaanka uu u socdo shirka Jowhar.

Siyasiyiin iyo xildhibaanno ayaa iyaguna qaba aragtida ah in shirka Jowhar qaabka uu u socdo aanay la dhacsaneyn.

Goobjoog News