U bood dhigaalka

Kulan Amniga Looga Hadlay oo Ka Dhacay Boosaaso

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan Boosaaso  kula qaatay Saraakiisha Ciidamada Amniga Puntland, Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay wasiirka Amniga maaulka, xubno ka mid ah Golaha wasiirrada iyo saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa ku boggaadiyay Ciidamada Puntland sida ay marwalbo heegan ugu yihiin ka shaqeynta Amniga, guulaha laga gaaray dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, Daacish iyo adkaynta Amniga gudaha Puntland xilli uu dalku ku jiro marxalad Doorasho.
Madaxweynaha ayaa sheegay dhismaha Ciidamada iyo tayeyntoodu ay qeyb ka tahay  ballan qaadyadii markii la doortay, waxaana uu intaas ku daray in  lagu guuleystay, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Ciidamada in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan sugida amniga .
Goobjoog News