U bood dhigaalka

Kulan Ay Lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Oo u Baaqday Kooram La’aan

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa la filayay in ay kulan ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho hase ahaatee kulankaasi ayaa u baaqday Kooram (Kuntan) la’aan, ka dib markii ay soo xaadiri waayeen tirada xildhibaanada ee kulanka ku furmi lahaa.

Kulanka maanta ee baarlamaanka waxaa xaadirtay 126 mudane, waxaana kulanka uu ku furmi lahaa 139 xildhibaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay xildhibaanada ku sugan gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho in ay kulamada baarlamaanka yimaadaan maadaama shaqo muhiim ah u ay taallo.

Sidoo kale gudoomiye jawaari ayaa kulankii maanta baaqday sheegay in berri uu dhici doono, waxaana xildhibaanada uu ku adkeeyay ka qeybgalka kulanka baarlamaanka.

Maanta waxaa la filayay in la dhaariyo guddiyada madaxa banaan ee doorashooyinka iyo Xuduudaha.

Goobjoog News