U bood dhigaalka

Kulan Dhexmaray Taliska Qaybta 21aad iyo Hiil-walaal

Sheeko:Amniga

Kulankan oo ka Dhacey Gudaha Xarunta Batalyanka 5aad ee Ciidamada Hiil walaal ee Jabuuti ay ku leeyihiin Baladweyn ayaa u dhexeeyay Saraakiisja Taliska Qaybta 21aad iyo Saraakiisha Ciidanka Jabuuti waxaana Diirada lagu saaray Xaaladaha Amni ee Galmudug iyo Hirshabelle iyo Qorshaha Howlgalada lagu xoraynayo Deeganada Alshabaab ay ka joogaan Galmudug.

Saraakiil Sare oo ka Tirsan Qaybta 21aad oo uu Hugaaminayo Taliyaha Qaybta General C/Casiis C/Laahi “Qooje” ayna WehlinayaanTaliyaha Guutada 13aad G/Le Craxmaan Moalim “Timadheere” , Taliyaha Guutada 15aad General Mascuud Maxamed iyo Taliyaha Ururka 21aad ee Danab G/Le Muqtaar Abdulle ayaa saraakiisha Amisom ee Jabuuti kaga Warbixiyay Ujeedada socdaalkoodan iyo Howsha ciidanka qaybta 21aad ey ka wadaan Deegaanada Galmudug ee Bilaawga u ah Qorshaha Dagaal ee lagu Wajahayo Deeganada Alshabaab ay joogaan

G/le sare C/Raxmaan Riyaale Xareed taliyaha Batalyanka shanaad ee hiil walaal ayaa Boqashada saraakiisha 21aad ee baladweyn ku tilmaamey Arin Bilaaw u ah Isku xirka Ciidanka iyo ka abaal gudida Soo dhoweyntii 21aad ey u sameysay ciidanka jabuuti ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb

Taliyaha qaybta 21aad general cabdicasiis claahi “qooje” ayaa ka waramay Ahmiyada kulankan iyo Howlaha ay ka wadaan Baladweyn

Ciidamadan ayaa Qayb ka Noqonaya Howlgal balaaran oo Dhowaan lagu Wajahayo Deeganada cadawgu ka joogo Galmudug Iyo Hirshabelle waxaana Bilaabanaya Qorshaha isku Xirka Qaybaha Xoogga Dalka kaa oo Saldhig u ah Nidaamka Ciidan ee Fududeynaya in la Fuliyo Howlgalo Dhameys tiran oo Dhabarka ka Jabin doonna Dhagarta Cadawga Alshabaab.

Goobjoog News