U bood dhigaalka

Kulan Horudhac U Ah Shirka London Oo Ka Dhacaya Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacaya shir horudhac u ah shirka caalamiga ah ee magaalada London ka dhacaya 11-ka bishan.

Shirkan oo ay ka qeyb-galayaan mas’uuliyiinta dowladda federaalka ah, dowla goboleedka, bulshada rayidka ah, qurbajoogta, beesha caalamka iyo dad kale ayaa lagu wadaa in ay ka soo baxaan talooyinkii lala tagi lahaa shirka London.

Shirka waxaa xoogga lagu saari doonaa in Ajende loo sameeyo shirka London, waxaana la iswaafaji doonaa rabitaanka beesha caalamka iyo waxa ay doonayaan Soomaalida.

Shirkan waxaa la sheegayaa in xoogga lagu saari doon: Ammaanka, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo  New partnership agreement.

Waxaa xusid mudan in shirkan kan oo kale ah oo dalka ka dhacay September 2, 2013 kaas oo sidan oo kale ay ku kulmeen wakiillo ka socda  Dowladda federaalka ah, maamulada Gobolada dalka, Ergo kasocotay gobolada dalka, Qurbo joog, Siyaasiyiin, Haween, Aqoonyahano iyo dhalinyaro badan….qodobadii shirkaas ka soo baxay oo 5 qodob ahaa, shirkii Brussels waxba lagama soo qaadin

Kulanka Muqdisho ee loogu diyaar-garoobaayey shir ka Brussels, waxaa laga soo saaray talooyinka:

  1. Baahinta Siyaasada ka qeyb gelinta Shacabka,dhaqan gelinta dib uheshiinta iyo Kobcinta Cadaalada.
  2. Hormarinta Dastuurka iyo Dib u eegistiisa
  3. Dib uhabeynta Hay’adaha Hufnaanta iyo hagaajinta maamulka,
  4. Gudiga Doorashooyinka madaxa banana & qaab sharciyeedka Axzaabta Siyaasada,
  5. Qaabka Federaalka Awood ahaan iyo qeybsiga Kheyraadka

Goobjoog News