U bood dhigaalka

Kulan Ka Dhacay Gaalkacyo Oo Lagu Go’aamiyey Qaadista Isbaarooyinka Yaalla Waddo Isku Xirta Magaaladaasi Iyo Gelinsoor

Sheeko:Dalka

Kulan ay isugu yimaadeen laamaha ammaanka Galmudug iyo Odayaal dhaqameed loogana hadlayey arrimaha ammaanka iyo isbaaro qaadis ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Waxaa kulankaan diiradda lagu saaray sidii loo qaadi lahaa Isbaarooyinka maalmahan dambe kusoo badanaya wadada isku xirta magaalada Gaalkacyo iyo Gelinsoor.

Dhinacyadan kulanka waxa yeeshay ayaa aad u gorfeeyay sida loo qaadi lahaa isbaarooyinkaan, waxaana ay isla garteen in degdeg lagu qaado.

Wariyeheena Gobolka Mudug Cali Nuur Cayn ayaa soo sheegaya in kulanka oo saacado qaatay ugu dambeyn la go’aamiyey in ciidamada ammaanka Galmudug ay degdeg uga howlgalaan wadadan Isbaarooyinka kusoo bateen.

Gaadiidleyda ka shaqeysa wadada dheer ee isku xirta magaalada Gaalkacyo iyo Gelinsoor ayaa maalmahan dambe ka cabanayey Isbaarooyin tiro badan oo rag hubeysan lacago baad ah uga qaadaan gaadiidka.

Goobjoog News