U bood dhigaalka

Kulan ka dhan ah heshiiskii Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland oo Gaalkacyo lagu qabtay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug waxaa maanta lagu qabtay kulan looga soo horjeedo heshiiskii dhawaan magaalada Garoowe ay ku wada saxiixdeen dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Kulankaan waxaa wada yeeshay mas’uuliyiin ka mid ah Gal-mudug, Siyaasiin, Odayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana lagu sheegay in heshiiskii ka dhacay Garoowe in uu ahaa mid dhaawacaaya horumarka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Gal-mudug Bile Diini Cali ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh uu dalka dib ugu celinaayo waxyaabo laga soo gudbay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhamaan xubnihii kulankaan ka qeybgalay ayaa si isku mid ah uga soo horjeestay Heshiiskii Garoowe, waxaana ay si kulul u cambaareeyeen dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Warkaan oo maqal ah hoos ka dhageyso.

Goobjoog News