U bood dhigaalka

Kulan ku saabsan is dhex galka Bulshada oo Gaalkacyo lagu qabtay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug waxaa lagu qabtay kulan balaaran, kaa oo ku aadan is dhexgalka bulshada ku nool deegaanada ay ka arimiyaan maamulada Ximan iyo Xeeb iyo Gal-mudug State.

Waxaa kulankaan ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socotay Labada maamul, dhalinyaro, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana uljeedka kulankaan lagu micneeyay sidii looga fogaan lahaa qabiilka, shacabkana ay gacmaha isku qabsan lahaayeen.

C/raxmaan Nadaara oo ah gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Gal-mudug oo ay iyagu lahaa qaban qaabada kulankaan ayaa sheegay in dhalinyarada looga baahan yahay gacmaha inay is qabsadaan, lana taageero maamulka iyo Odayaasha dhaqanka.

Dhanka kale waxa ay sheegeen dhamaan xubnihii ka qeyb galaayay kulankaan in ay ka go’an tahay sidii ay u taageeri lahaayeen dhismaha maamulka la doonaayo in loo sameeyo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Goobjoog Fm