U bood dhigaalka

Kulan Lagu Diidan Yahay Guddiga Farsamada Maamul u Sameynta Sh/dhexe Iyo Hiiraan Oo Ka Dhacay B/weyne

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo lagu diidan yahay guddiga farsamo ee maamul u sameynta gobalada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Kulankaan waxaa ka qeybgalay Odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin, waxaana ay sheegeen in marnaba aysan raali ka ahayn guddigaasi oo ay sheegeen inaan lagala tashay shacabka iyo waxgaradka Hiiraan.

Guddigan ayeey tilmaameen hadii aan degdeg wax looga bedelin in ay go’aan cad ka qaadan doonaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Odayaashaan dhaqanka oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in muddo 48 saacadood ah u qabanayaan wasiirada iyo xildhibaanada ee kasoo jeeda gobalka Hiiraan inay ku tagaan Baladweyne si wadatashi looga sameeyo arrimaha jira.

Ugu dambeyn waxgaradkii hadlay ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh inuu soo fara geliyo xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay guddiga farsamada maamul u sameynta gobalada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, kaasi oo uu soo magacaabay wasiirka Arrimaha Gudugaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News