U bood dhigaalka

Kulan lagu taageerayay maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Gal-gaduud oo Sweden ka dhacday (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxaa dalka Sweden lagu qabtay munaasabad lagu taageerayo qorshaha la doonaayo in maamul loogu dhiso gobalada Mudug iyo Gal-galdaduud, iyadoo ay ka qeyb galeen Soomaali aad u badan.

Fartuun Abshir Dhoore oo ah qaban qaabiyaha kulankaan taageeridda ah ayaa u sheegtay Goobjoog Fm, in ay muujinaayeen sida ay ku taageersanyihiin howsha ay hadda wadaan gudiga Farsamada ee dhismaha maamulkaasi.

Mas’uuliyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha KMG ee gudigaasi ayeey sheegtay in qadka taleefanka uga qeyb galeen, islamarkaana ay muujiyeen sida ay ugu taagan yihiin dhismaha maamulkani.

Fartuun ayaa ugu dambeen bogaadisay shacabka degan gobaladaan la doonaayo in maamulkaan loo sameeyo in ay gacmaha is qabsadaan kana tashadaan aayahooda.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga Fartuun Abshir Dhoore.

Goobjoog News