U bood dhigaalka

Kulan Lagu Taageerayey Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi Oo Ka Dhacay Cadaado

Sheeko:Baarlamaanka

Kulan lagu taageerayey xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa ka dhacay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana ka qeybgalay kulankaasi mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Odoyaal dhaqameed iyo qeybaha kale ee Bulshada.

Waxgaradkii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay iney soo dhoweynayaan xildhibaannimada Axmed Macallin Fiqi, balse waxay ka dalbadeen in xildhibaanka uu ka shaqeeyo danaha bulshada uu matelo iyo tan qaranka Soomaaliyeed.

“Waxaan taageersannahay oo ugu duceyneynaa xilka Axmed Macallin fiqi uu qabtay ee xilidhibaannimada ah, waxaan leenahay ilaahay hakula garab galo, kalsooni, taageero iyo xil gudasho intaasi kusoo dhowoow ayaan ku leenahay” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah waxgaradkii kulankaasi hadalka ka jeediyey.

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo isna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono horumarinta bulshada uu matelo iyo guud ahaan kan umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan noqon doonaa askari idin ka tirsan oo shaqadii loo dirsadana diyaar u ah, waxaan ka shaqeyn doonaa wax badan oo kamid ah u doodista xuquuqda dadka aan matalo iyo shacabka Soomaaliyeed intaba, intaas oo dhan waxaa aas aas u noqonaya waa midnimada” ayuu yiri Fiqi

Axmed Macallin Fiqi ayaa 28-kii bishan ku guuleystay kursiga baarlamaanka aqalka hoose kadib doorasho ka dhacday magaalada Cadaado.

Goobjoog News