U bood dhigaalka

Dib Usoo Celinta Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Yemen Oo Maanta Laga Shiray

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ballaaran, kaasi oo looga arrinsanayay sidii dib loogu soo celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin dhowr ah oo ka kala socday dowladda Federaalka, Hay’adda culimada Soomaaliyeed, Hay’adda Qaxootiga Qaranka, Bulshada Rayidka, Haweenka Qaranka, Ganacsato, Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Cadan iyo maamulka Goobjoog News.

Waxaa kulanka maanta soo qaban qaabiyay xafiiska dhanka arimaha bulshada iyo xiriirka dadweynaha u qaabilsan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, waxaana la falanqeeyay sidii looga qeybqaadan lahaa dib usoo celinta dadkaasi iyo kaalinta ay ka qaadan karaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur ayaa halkaasi ka sheegay in dowladda Imaaraadka carabta ay balan qaaday in taageero ay ka geysan doonto dib usoo celinta dadka Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen, sida in ay ku saaciddo Maraakiib, waxaana sidoo kale wasiirka uu sheegay in dib usoo celinta qaxootigaasi ay kaalin ka qaadan doonto hay’adda IOM, taasi oo diyaarado kaga qeyb qaadan doonto soo daabulista dadkaasi.

Sidoo kale Wasiir Xaaji Cali ayaa xaqiijiyay in maalinta Axada ah ay diyaarad soo qaadi doonto dadkii ugu horeeeyay ee Soomaaliyeed, kuwaas oo ku sugan dalka Yemen, waxaana ugu dambeyn uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in kaalin ay ka qaataan dib usoo celinta dadkaasi.

Kulankaan ayaa inta uu socday waxaa la’isla gartay in maalinta Beri ah la magacaabo guddi madax banaan, kaasi oo shacabka abaabuli doona, islamarkaana dhaqaale uruurin sameyn doona.

Qunsulka magaalada Cadan ee Soomaaliya Axmed Suudaani ayaa sheegay in dalka Yemen hadda xaaladda ka jirta ay tahay mid kasii daraysan, lagana baqayo macluul in dadka Soomaaliyeed ay qabato.

Waxa uu qunsulka ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed oo aan kala har lahayn u gurmadaan walaalahooda ku dhibban dalka Yemen oo dagaallo ka socdaan.

Agaasimaha Goobjoog News Xasan Maxamuud Maxamed oo kulankaasi ka qeybgalay ayaa sharaxaad badan ka bixiyay Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar oo sabab u ahaa in shacabka Soomaaliyeed baraarugaan, islamarkaana sidoo kale kulankaan ballaran uu ka dhasho barnaamijkaasi, si loogu gurmado shacabka ku dhiban dalka Yemen.

Waxa uu agaasime Xasan halkaasi ka sheegay uljeedka rasmiga ah ee Barnaamijkaan loo bilaabay, isaga oo tilmaamay in maamulka iyo shaqaalaha Goobjoog ay isla garteen in bulshada loo kiciyo sidii ay walaalahooda ugu gurman lahaayeen, islamarkaana sidoo kale loo istaago sidii dadkaasi dalka dib loogu soo celin lahaa.

Waa kulankii ugu horeeyay oo looga hadlayo caawinta dadka Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen oo lagu qabto magaalada Muqdisho, iyadoo la filayo kulamo kale oo laga sugayo Natiijooyin degdeg ah in la qabto.

Goobjoog News ayaa 23-kii April sanadkaan 2015-ka waxa ay ku dhawaaqday Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar, kaasi oo lagu bararujinayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhiban dalalka Yemen iyo Kenya.

Goobjoog News