U bood dhigaalka

Kulan looga hadlay arrimaha haweenka iyo xuquuqda aadanaha oo Muqdisho ka dhacay

Sheeko:War

???????????????????????????????Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay wasiiradda hawenka iyo xuquuqda aadanaha ee xukuumadda soomaaliya marwo Khadija Maxamed Diiriye iyo xubno ka tirsan xafiiska howl-galka AMISOM u qaabilsan arimaha haweenka iyo sidoo kale hey’ado ku lug leh dowridda xuquuqda aadanaha.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta kaalinta siyaasadeed ee haweenka, dar-dar galinta hawlaha xuquuqda aadnaha, iyo tayeynta shaqaalaha wasaaradda.

Haji Sebya  Robi  oo ka mid ah mas’uuliyiinta xafiiska AMISOM  u qaabilsan arrimaha haweenka ayaa sheegay in xafiiskoodu si buuxda ula shaqayn doono wasaaradda haweenka iyo xuquuqda aadanaha ee xukuumadda Soomaaliya.

Mr. Sebya ayaa ammaanay dadaalka wasaaradda ee ku aadan xaqiijinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha iyo arrimaha haweenka Soomaaliya.

Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiradda haweenka iyo xuquuqda aadanaha, oo warbaahinta la hadashay kaddib kulanka ayaa sheegtay in kulanka ay dhinacyada kaga hadleen sidii looga wada shaqayn lahaa arrimaha xuquuqda aadanaha iyo haweenka.