U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Iyo AMISOM Oo Ka Shiray Amaanka Guud Ee Dalka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

AmaankaKulan looga hadlayay amaanka guud ee dalka iyo howlgalada sida gaarka ah uga socdo magaalada Muqdisho ayaa xalay waxa ka qeybgalay mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan.

Waxaa kulanka ka qeyb galay Wasiirada kala ah Gaashaandhiga iyo Arimaha Gudaha, waxaana halkaasi ku sugnaa Taliyaha ciidamada Nabad sugidda iyo sidoo kale saraakiil ka kala socotay ciidamada Booliiska, Nabad sugidda iyo AMISOM.

Kulankaan ayaa inta uu socday waxaa la’isku soo hadal qaaday amaanka guud ee magaalada Muqdisho, waxa laga qabtay xilligaan iyadoo su’aalo la’iska weydiiyay qaabka howlgalada ay u wadaan ciidamada dowladda Federaalka.

Afhayeenka hay’adaha amaanka Maxamed Yuusuf oo u waramay Goobjoog ayaa sheegay in shirkaan uu yahay mid habeen walba sidaan ay isugu yimaadaan saraakiisha amaanka, loogana hadlo wax walba oo amniga ku saabsan.

Dhinaca kale afhayeenka ayaa sheegay in mudadii howlgalka ay ciidamada amaanka ka wadeen magaalada Muqdisho ay ku guuleysteen in ay wax ka qabtaan xaaladda guud ee magaalada, sidoo kalena garab xoogan ay ka heleen shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in cid walba oo soo sheegtay dad ku howlan amni fari ama xubno ka mid ah Al-shabaab ay leedahay abaalmarin iyadoo aan cid kale ogaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga Maxamed Yuusuf.

Goobjoog News.