U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayay Amniga Oo Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Shir saacado badan qaatay, loogana hadlayay ammaanka deegaanada uu ka arrimo maamulka Jubbaland ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.

Kulankaan waxaa shir gudoominayay madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, waxaana ka qeybgalay saraakiisha ciidamada Booliiska iyo Nabad Sugidda.

Shirka oo albaabada u xirnaa ayaa diiradda waxaa lagu saaray sidii looga shaqeyn lahaa ammaanka, sidoo kalena looga hortagi lahaa cid walba oo amni darro wada.

Jeneraal Fartaag ayaa warbixino ka dhageystay saraakiishii uu la kulmay, waxaana uu kula dardaarmay in wada shaqeyn buuxdo ay la yeeshaan shacabka.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa maalmihii ugu dambeeyay ahaa mid ay adkeeyeen ciidamada Jubbaland, waxaana habeen maalin xaafadaka Kismaayo iyo nawaaxigeeda ciidamadu ka wadaan howlgallo.

Goobjoog News