U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayay Dhibaatada Qabyaaladda Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kullan ballaaran oo looga hadlayay saameynta qabyaaladda iyo sidoo kale soo dhaweynta 43-sano kadib markii la hirgeliyay farta Soomaaliga.

Kulankaan waxaa ka qeybgalay Culimo, macallimiin iyo arday Soomaaliyeed, waxaana ay si wadajir ah uga digeen qabyaaladda iyo qaabka haatan loo adeegsanayo qabiilka.

Sheekh Maxamuud Aw Cabdulle Cariif oo ka mid ah culimada kulankaan maanta ka qeybgashay ayaa sheegay in xaaraam ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay qabiil isku liidaan iyo sidoo kale arrinta ku aadan 4.5.

“Nasabkeyga kaaga ayuu ka sareeyaa, reerkaygu kaaga waa uu ka badan yahay, waxyaabaha la leeyahay 4.5 ayaa wax lagu qeybsanayaan waxaas oo dhan waa xaaraam, waxay ka mid tahay wixii ilaahay iyo Rasuulkiisa reebeen oo Jahliga ka yimid” ayuu yiri Sheekh Maxamuud Aw Cabdulle Cariif.

Sidoo kale waxaa isaguna si taas la mid ah uga hadlay qabyaaladda iyo fasahaadka ay bulshada u horseedi karto hadii aan laga hortagin Sheekh Cabdi Xayyi Sheekh Aadan oo aad u falanqeeyay sida ay uga hadashay diinta Islaamka.

“Dadkani jahli ayaa isku diraya inay nolol helaan ayeey rabaan, laakiinse wadadii nolosha ayaa ka qaldan oo qof walba waxa uu rabaa in qofka walaalkiis ah intuu ku taagsado, uu dilo ama xoolihiisa qaato ama uu jajabiyo inuu ku kor noolaado, saasna nolol ma ahan Jahliga ayaa nolol u yaqaan taas, marka jahli ayaa hayee wax hala baro” ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi

Dhammaan xubnihii ka qeybgalay kullankaasi ayaa isku raacay in qabiilka uu dhibaato ku yahay umadda Soomaaliyeed, iyaga oo ku baaqay in laga taxaddaro in shacabka uu sii dhibaateeyo qabiilka.

Goobjoog News