U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayay Ololaha Wacyigalinta Waxbarashada oo Lagu Qabtay Gaalkacayo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

1Kulan ay kasoo wada qeybgaleen mas’uuliyiinta maamulka Galmudug iyo ururada bulshada rayidka ah, gaar ahaan bahda waxbarashada ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacayo.

Agaasimaha wasaaradda waxbarashada ee Galmudug Aadan Cabdulle oo madasha ka hadlay ayaa sheegey in barnaamijkani lagu magacaabo Waxbarasho Loo Dhanyahay, kaasi oo qorshuhu yahay in dhamaan dadka xiligii waxbarashada jooga, yar iyo weynba ay tagaan goobaha waxbarashada.

Waxaa sidoo kale kulanka ka hadlay wasiirka waxbarashada Galmudug Mudane Maxamed Cabduqaadir Xaashi, wuxuuna sheegey in uu aad ugu faraxsanyahay in maanta deegaanada Galmudug ay waalidiinta iyo dadka oo dhan ku baraarugeen waxbarashada.

Dadkii kale ee ka hadlay meesha ayaa iyaguna wasaaradda ugu baaqay in ay ahmiyad siiso waxbarashada Qur;aanka iyo diinta.

 

Dhageyso

Goobjoog News