U bood dhigaalka

Kulan Looga Hadlayey Abaaraha Ka Jira Puntland Oo Ka Dhacay Garoowe

Sheeko:Dalka

Maanta oo Talaada ah waxaa kulan ku yeeshey magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal Madaxda maamulka Puntland oo uu ugu horreeyo madaxweynaha maamulkaasi C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Guddiga abaarta ee deegaannada Puntland.

Madaxweyne Gaas waxaa kulankaan ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Madaxweyne Gaas ayaa kala hadlay gudiga sida abaarta baahsan ee ka jirta Puntland wax looga qaban lahaa iyo sidii Puntland uga qayb qaadan lahayd gurmadka loo fidinaayo dadka ay saameeyeen abaarahu.

Madaxweynaha Puntland CabdiweIi Maxamed Cali Gaas oo kulanka si xeeldheer uga hadalay ayaa ugu horreyn ka warbixiyey abaarta baahsan ee ka jirta Puntland, isla mar ahaantaana intaasi ku daray in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin inay ka qayb galaan gurmadka loo fidinayo dadka abaaruhu saameeyeen, sidoo kale sheegay in loo baahan yahay qorshe ah sidii looga howlgeli lahaa xaaladda abaaraha ee ka jirta Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay hore ugu gudbiyeen baaq beesha caalamka iyo cidkasta oo gacan ka gaysan karta gurmadka loo fidinaayo dad ka ay abaartu saamaysay.

–DHAMMAAD–

g4 g3 g2 g1